Ajaaniibtii laga soo furtay burcad badeedda Soomaalida ah oo dalkooda loo dirayo (SAWIRO)

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dalka Hindiya ay u diri doonaan 8 ruux oo u dhashay dalkaasi, kuwaas oo maalintii shalay ahayd laga soo furtay kooxaha burcad badeedda Soomaalida.

Taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha maamulka Galmudug Maxamed Yuusuf Xaashi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhammaan dadkaan ay dalkooda u dirayaan, islamarkaana xaaladooda haatan ay tahay mid aad u wanaagsan.

Wuxuu taliyaha sheegay in maxkamad lasoo taagi doono 4 kamid ah burcad badeeddii qafaalatay dadkaan oo haatan gacanta lagu haayo.

“Shaqaalaha aynu hayno dalkooda baa loo dirayaa, hadda waa ay nabad qabaan, ilaah baa mahaddaasi leh, midda kale waxaan haynaa 4 kamid ah burcaddii qafaalatay raggaan iyo doonidii ay wateen iyaguna maxkamadda Mudug baa la saarayaa” Sidaas waxaa yiri taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha maamulka Galmudug Maxamed Yuusuf Xaashi.

Ciidanka NISA ee Galmudug ayaa ku guuleystay in awood kusoo furtaan doonyo iyo rag la socday oo lagu qafaashay xeebaha gobolka Mudug.

error: Content is protected !!