Dowladda Soomaaliya oo war cad kasoo saartay urur diimeedka cusub ee lagu arkay Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war cad kasoo saartay urur diimeedka cusub ee la magac baxay Al-Saaddicuuna Bil Xaq, kaas oo dhawaan looga dhawaaqay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo bartiisa Facebook-ga qoraal kooban soo dhigay ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacan ku siiyaan sidii looga hortagi lahaa afkaarta urur diimeedkaan cusub ee lagu arkay Soomaaliya.

Wuxuu Injineer Yariisow sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dadaal badan ku bixin doonto sidii ay kaga hortagi laheyd faafidda afkaarta urur diimeedkaan cusub ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Injineer Yariisow ayaa ku tilmaamay afkaarta urur diimeedkaan la magac baxay Al-Saaddicuuna Bil Xaq inay tahay mid qatar ah islamarkaana loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay dowladda ku gacan siiyaan sidii loo baajin lahaa fidinta fikirkooda qatarta ah.

Todobaadkii hore ayaa urur diimeedkaan cusub looga dhawaaqay dalka Masar, Soomaaliya, Kuwayt iyo Liibiya waxaana ay rumeysan yihiin in dadka Islaamka oo dhan ay yihiin gaalo loona baahan yahay inay dib usoo islaamaan.

Ugu dambeyntii, seddax ka mid ah hoggaamiyaasha urur diimeedkaan cusub ayaa waxaa dhawaan lagu xiray magaalada Hargeysa, kadib markii xilli habeen ah ay ciidamada maamulka Somaliland si xoog ah ku galeen guryaha ay dadkaasi deganaayeen.

error: Content is protected !!