Golaha wasiirada oo maanta kulankooda uga hadlay arrimo xasaasi ah (AKHRISO)

Golaha wasiirada ee xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaaraha xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre, waxaana arrimaha shirkaasi looga hadlay ka mid ahaa qorshaha amniga qaranka, abaaraha iyo dar-dargelinta howlaha dowladda.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ugu horeyn sheegay in golaha looga fadhiyo dar-dargelinta amniga, nabadeynta iyo xasilinta dalka, si muwaadin walba uu ugu noolaado si nabad ah, si uu uga qeybqaato dar-dar gelinta horumarka dalka.

Wasiirada amniga ayaa warbixinno laga dhageystay ka dibna ay soo bandhigeen qorshaha amniga qaranka oo dhawaan ka bilaaban doonna Muqdisho, iyadoo lala kaashanayo gobolka Banaadir iyo maamulada degmooyinka caasimada iyadoo laga qeybgalinayo shacabka, lana dhaqangelinayo barnaamijka deriseynta.

Wasiirka garsoorka ayaa ka warbixiyey qorshahiisa ku aadan dhismaha guddiga adeega garsoorka, golahuna isla gartay in sharciga dhismaha guddiga adeega garsoorka la dhaqangeliyo islamarkaasna ay wasaaradu sida ugu dhaqsiyaha badan horkeento golaha nidaamka guddigan.

Sidoo kale waxaa diirada la saaray sida loogu baahanyahay in guddiga musuq-maasuqa loo dhiso oo la isku raacay in mudnaan gaar ah la siiyo lana dedejiyo dhameystirka qorshahan.

Wasiirka gargaarka iyo maareynta masiibooyinka ayaa ka warbixisay horumarka laga sameeyey isku-dubaridka iyo xiriirinta howlah gurmadka abaaraha isla markaasna sheegtay in 6 milyan oo Soomaali ah ay u baahanyihiin gargaar deg-deg ah wasaaradana diyaarisey nidaamkii lagu hagaajinayey xiriirka iyo isu-duwida hay’adaha gargaarka iyo dowladda.

Wasiirka dekedaha oo warbixin ka dhiibtey xaalada dekeda Muqdisho ayaa sheegtay in wasaaradu ay wado qorshe lagu casriyeynayo dekedda islamarkaasna lagu daryeelayo xoogsatada iyo xamaaliga si ay u helaan xuquuqdooda aasaasiga ah.

Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta ayaa isagana ka warbixiyey xaalada .SO sheegeyna inuu heshiis la galay shirkadihii maamulayey server-ka oo lagu heshiiyey in loo soo rari doono Muqdisho oo dowladdu ay toos u maamuli doonto marka la soo dhameystiro hirgelinta qorshaha lagu heshiiyey.

Ugu danbeyntii wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ayaa sheegay inay wadaan qorshe xal loogu helayo arrimaha gaadiidleyda iyo sidii dadka danta yar ay u heli lahaayeen xuquuqdooda aasaasiga ah.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in wasaaradu qorshe lagu casriyeynayo howlaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo duulista hawada, dhawaana golaha hor-keeni doono qorshe dhameystiran ee la xiriira arrimahan.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

error: Content is protected !!