Laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya oo isbeddel kooban lagu sameeyay (AKHRISO)

Isbeddel aan sidaas u buurneyn ayaa lagu sameeyay laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, kaas oo ku saabsan habraaca cusub ee Viisaha dal ku galka ah ee Soomaaliya.

Isbeddelkaan ayaa la sheegayaa inuusan wax saameyn ah ku yeelan doonin diblomaasiyiinta, shaqaalaha Qaramada Midoobey iyo kuwa urur goboleedyada, wuxuuna sbeddelkaan dhaqan geli doonnaa 1-da bisha soo socoto ee MAY.

Sidoo kale, isbeddelka iyo habraacaan cusub ayaa saameyn doonno oo kaliya dadka ajaanibta ah ee imaanaya ama soo galaya dalka Soomaaliya.

Isbeddalkaan ayaa ka mid ah shuruucda cusub ee dhanka socdaalka ah ee lagu soo kordhiyay laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, isbeddelkaan cusub ayaa wax ka beddeli doonna oo kaliya habraacii dadka ajaanibta ah oo ay kusoo geli jireen dalka Soomaaliya.

Dhawaan ayaa la filayaa in laanta socdaalka iyo jinsiyaddaha Soomaaliya ay si rasmi ah u shaaciyaan go’aankaan cusub oo ay kasoo saareen habraaca cusub ee Viisaha dal ku galka ah ee Soomaaliya.

error: Content is protected !!