Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo maanta labo nin ku xukuntay Muqdisho (SAWIRO)

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday labo nin oo ku eedeysan inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab.

Labadaan nin oo laga soo qabtay deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cali Kadiye iyo Xuseen Xaashi C/laahi.

Guddoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Soomaaliya Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in labadaan nin lagu helay caddeymo ah inay wadeen gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Wuxuu sheegay in la haayo caddeymo muujinaya gaariga ay wadeen iyo sidoo kale inay doonayeen in dad aan waxbo galabsan qarax lagu laayo.

Waxa uu sheegay in maxkamadda ay ku xukuntay min 10 sano oo xabsi ah, islamarkaana haddii ay xukunkaasi dood ka qabaan ay racfaan ka qaadan karaan.

Ka sokow ridista dacwaddaan maxkamadda lama keenin gaarigii la sheegay in lagu soo qabtay raggaan.

error: Content is protected !!