Ciidamo Mareykan ah oo yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa ciidamo usoo dirtay dalka Soomaaliya, waxayna ciidankaasi soo gaareen magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Ciidamadaan oo tiro ahaan aan la shaacin ayaa la xaqiijiyey in 2-dii bishaan ay kasoo degeen garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxay ciidamadani ka qeyb-qaadan doonaan tababarada ciidamada Soomaaliya, sidoo kalena waxay gacan ka geysan doonaan howlgalka lagu dagaallamayo Al-shabaab.

Sidoo kale, waxaa la sheegayaa in ciidamadaan ay ku yimaadeen codsi dhawaan ay dowladda federaalka Soomaaliya u dirtay dowladda Mareykanka, si looga caawiyo dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Horey waxaa magaalada Muqdisho u joogay ciidamo badan oo Mareykan ah, waxayna ciidamadaasi mar walbo tababaro siin jireen ciidanka Soomaaliya.

error: Content is protected !!