DEG DEG:- Ciidanka Itoobiya oo gebi ahaan isaga baxay degmada Dhuusamareeb

Wararka haatan naga soo gaaraya degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay goordhaw halkaasi isaga baxeen, iyagoona u ruqaansaday dhinaca xuduuda ay Itoobiya la wadaagto Soomaaliya.

Ciidankaasi oo muddooyinkii ugu dambeysay qorsheeynayay inay isaga baxaan degmada Dhuusamareeb, ayaa sidoo kale dhawaan soo faarujiyay degmada Ceelbuur oo muddo 4 sano ah gacanta ku haayay.

Qaar ka mid ah dadka ku  nool degmada Dhuusamareeb oo warbaahinta Bulshoweyn la hadlay ayaa u sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ay saakay hore bilaabeen inay isaga baxaan saldhigyadoodii ay ku lahaayeen degmadaasi, iyadoona qeybtii ugu horeysay ay durbadiiba u gudubtay xuduudkaa Itoobiya iyo Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiyaanka ee weli ku kala sugan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa la sheegayaa inay iyagane dhawaan ka bixi doonaan deegaanada ay haatan kaga sugan yihiin goboladaasi.

Degmada Dhuusamareeb waxaa haatan ku sugan ciidamada maamulka Ahlu-Sunna Waljameeca, iyadoona illaa iyo haatan aan la ogeyn inay iyagane halkaasi isaga bixi doonaan iyo inkale.

Illaa iyo haatan lama oga sababta keentay in ciidankaasi Itoobiyaanka ay xilligaan isaga baxaan degmada Dhuusamareeb.

Dhinaca kale, warar hoose ay warbaahinta Bulshoweyn heleyso ayaa sheegaya in arrintaan ay qeyb ka tahay qorshe ay Itoobiya wadatay horaantii sanadkii 2016-ka, balse uu codsaday in la hakiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!