Madaxda maamul goboleedyada dalka oo weli kusoo qulqulaya magaalada Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaraya madaxda maamul goboleeyada dalka ka jira, waxaana la filayaa in Muqdisho ay shir ballaaran ku yeeshaan.

Maalintii shalay waxaa Muqdisho yimid madaxweynayaasha maamulada Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo kan Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble, waxaana maanta imaan doonno madaxweynayaasha maamulada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo sidoo kale madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug.

Waxay dhamaantood shir la qaadan doonaan dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, waxaana ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo amniga quseeya iyo sidoo kale shirka bisha soo socoto ka furmi doonno magaalada London, ee looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya.

Waxaa macquul in shirka maanta uu dib ugu dhaco illaa maalinta berri oo Sabti ah, waxaana shirkaasi waxyaabaha kale ee looga hadli doonno kamid noqon doonna xiriirka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ugu horreysay shir guddoomin doonna shirka noocan ah.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!