Xil ka qaadis lagu sameeyay taliyaha ciidanka booliska gobolka Banaadir Col. Bishaar Abshir Geedi

Taliyaha cusub ee booliska Soomaaliyeed General C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa xil ka qaadis ku sameeyay taliyaha ciidanka booliska gobolka Banaadir, isagoona sidoo kale mid cusub magacaabay.

General C/xakiin Saacid ayaa xilkii ka qaaday taliyihii ciidanka booliska ee gobolka Banaadir Col. Bishaar Abshir Geedi, waxaana xilkaasi loo magacaabay General Axmed Xasan Maalin oo hore usoo qabtay xilkaan islamarkaana in muddo ah soo haayay.

Sidoo kale, General Maxamed Cumar Madaale ayaa waxaa isna loo magacaabay madaxa hoggaanka howlaha ciidanka booliska, isagoona hore usoo noqday taliyaha ciidanka booliska gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, warar hoose oo ay warbaahinta Bulshoweyn heshay ayaa sheegaya in isbedello hor-leh lagu sameyn doono taliyeyaasha kale ee ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Taliyaasha booliska ee la magacaabay ayaa ah kuwa qibrad u leh xilalka loo magacaabay waxayna sidoo kale hore ula soo shaqeeyeen taliyaha cusub ee booliska Soomaaliyeed General Saacid.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah taliyaasha haatan la magacaabay ayaa hore xilalkii looga qaaday kadib markii lagu eedeeyey waxqabad la’aan iyo dayacaad shaqadii loo igmaday.

error: Content is protected !!