10 Soomaali ah oo lagu xiray dalka Mareykanka

Wararka ka imaanaya magaalada Atlanta ee dalka Mareykanka ayaa waxay sheegayaan in howlgal ay halkaasi ka sameeyeen ciidamada ammaanka dalkaasi lagu soo xiray 10 qof oo Soomaali ah.

Dadkaan ayaa loo xiray inaysan haysan sharci ay ku joogaan dalkaasi, waxaana ku jira qaar sharciyadii laga qaaday kadib dambiyo ay dalkaasi ka galeen.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Atlanta ayaa sheegaysa in lagu wargeliyey in dadkaan dibĀ  loogu celin doono dalkooda.

Dhanka kale, waxay ciidamada ammaanka ee Atlanta wadaan baadi-goobka dadka aan haysan sharciyadda islamarkaana dalkaasi sida dhuumashada ah ku jooga, si gaar ahna waxaa loo raadinayaa dadka Soomaalida ah.

Dowladda Mareykanka ayaa xoojisay raadinta dadka Soomaaliyeed ee aan haysan sharciyadda, islamarkaana dalkooda ku sugan.

In ka badan 80 Soomaali ah ayeey kasoo dejisay dowladdaasi garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, dadkaasi oo aan ku qanacsaneyn in dib loogu soo celiyo dalkooda.

error: Content is protected !!