Diyaarado dagaal oo saqdii dhexe xalay iyo saakay duqeyn ka geystay gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in xalay saq dhexe iyo aroornimadii saakay ay duqeyn culus fulliyeen diyaarado dagaal oo la aaminsan yahay in laga leeyahay dalka Kenya.

Diyaaradahaan ayaa bartilmaameed ka dhiganaayey saldhig ay ciidamada Al-shabaab ku lahaayeen deegaan u dhaw deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo.

Illaa iyo haatan lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in diyaaradahaasi ay dhowr saldhig burburiyeen.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab, kaas oo ay kaga hadlayaan duqeyntaan xalay saqdii dhexe iyo sakaay lagu qaaday saldhigyada ay ku leeyihiin meel u dhaw deegaanka Ceelcadde.

Muddo sanad ka hor ayay aheyd markii Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen saldhigii ciidamada Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay ku dileen askar aad u badan oo ka tirsan kuwa Kenya.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allah

error: Content is protected !!