Faah faahin:- Sarkaal ka tirsan madaxtooyadda oo la dilay iyo kooxihii dilka ka dambeeyay oo la qabtay

Koox ku hubeysan bistoolado islamarkaana watay gaari ayaa caawa Buundada Ansalooti ee degmada X/jajab ku dilay sarkaal ka tirsanaa howlwadeenadda xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Cali ayaa la sheegayaa inuu u geeriyooday dhaawacyo kasoo gaaray rasaastii ay ku fureen kooxdaasi hubeysan oo ahaa labo nin.

Sidoo kale, sarkaalkaasi la dilay ayaa la sheegayaa in xilligaasi uu la socday qof kale oo isna lala dilay.

Guddoomiyaha degmada X/Jajab Axmed Cismaan Dhoore oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in labadaasi nin ee dilka geystay iyo gaarigii ay wateen gacanta lagu soo dhigay.

Wuxuu guddoomiyaha sheegay in howlgal ay ciidamada NISA ka sameeyeen degmada X/jajab ay ku guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan gacan ku dhiiglayaashaasi.

Ugu dambeyntii, guddoomiye Axmed Cismaan Dhoore ayaa sheegay in labadaasi nin ay haatan ku xiran yihiin xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho, islamarkaana baaritaano lagu haayo.

Si kastaba ha ahatee, waa markii ugu horeeysay oo ay ciidanka NISA gacanta kusoo dhigaan rag dil ka geystay magaaalada Muqdisho, xilli muddooyinkii ugu dambeysay ay magaalada kusoo bateen dilalka iyo qaraxyadda lala beegsanayo mas’uuliyiinta dowladda iyo dadka shacabka ah.

error: Content is protected !!