Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka oo maanta shir uga furmaya Muqdisho

Waxaa maanta lagu wadaa in xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho lagu qabto shirkii ugu horeeyay oo ay yeeshaan madaxda maamul goboleedyada dalka iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo looga hadli doonno arrimo dhowr ah.

Madaxweyne Farmajo ayaa madaxda maamul goboleedyada dalka ku casuumay shirkaan, waxaana uljeedkiisa ugu weyn uu yahay wadatashi laga yeelanayo shirka caalamiga ah ee bisha soo socoto MAY ka furman doonno magaalada London ee dalka Britain.

Shirkaasi London ka furmaya ayaa waxaa lagu casuumay dhammaan madaxda maamul goboleedyada dalka, waxaana waxyaabaha looga hadli doonno ka mid ah arrimaha Soomaaliya.

Dhinac kale, shirka maanta ka furmaya Muqdisho ayaa sidoo kale looga hadli doonnaa wada-shaqeyn dhex marta dowladda uu hoggaaminaayo madaxweyne Farmaajo iyo maamulada dalka.

Caqabaddaha ugu weyn ee haatan dowladda Farmaajo haysata ayaa waxaa ka mid ah dhinaca ammaanka iyo sidii loola tacaali lahaa abaaraha baahsan ee ka jira gobolada dalka Soomaaliya.

Waa shirkii ugu horeeyay oo ay si toos ah u yeeshaan madaxda dowladda cusub ee uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Ugu dambeyn, shirkaan ayaa markii uu soo gaba-gaboobo waxaa la filayaa in laga soo saaro qodobadda looga hadlay iyo waxyaabaha la isku af-gartay.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!