Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo kormeeray ciidamo dhaawac ah (SAWIRO)

Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) ayaa isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho waxa uu ku booqday askar dhaawac ah oo halkaasi jiifta.

Askartaan oo ka badan 20 ayaa kusoo dhaawacmay qaraxyadii ugu dambeeyay ee magaalada Muqdisho, isaga oo mid mid u gacan qaaday.

Waxa uu sheegay taliyaha in dhaawacyada aan wax looga qaban karin dalka gudahiisa loo qaadi doono dibadda, islamarkaana ay heli doonaan daryeel wanaagsan.

Taliye Cirfiid ayaa tilmaamay iney dhammaatay waqtigii askari Soomaaliyeed inta uu dhaawacmo la dayici jiray, haatanna la joogo waqtigii la daryeeli lahaa ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

Todobaadkii ayuu Taliye Cirfiid ka badbaaday qarax Ismiidaamin ah oo la doonayo in lagu qaarajiyo, kaasi oo ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

error: Content is protected !!