XOG:- Al-shabaab oo saraakiil sare looga dilay duqeyn ka dhacday gobolka Gedo

Warar ay si hoose u heshay Warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegaya in saraakiil sare oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dhinteen duqeyn ay diyaarado dagaal ka geysteen duuleedka deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo.

Diyaaradahaasi ayaa sida la sheegay madaafiic la helay saldhig ay ciidamada Al-shabaab ku lahaayeen halkaasi, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Inta la hubo waxaa halkaasi ku dhintay 15 dagaalyahanno oo Al-shabaab ah, waxaana ku jiray seddax sarkaal.

Saraakiisha dhintay waxay kala qaabilsanaayeen, saadka Gedo, dagaal gelinta ciidanka Al-shabaab iyo sidoo kale madaxii sakada Al-shabaab u qaabilsanaa gobolkaasi.

Dagaalyahanadda Al-shabaab  weli dhankooda ma aaney faah faahin khasaaraha kasoo gaaray duqeyntan.

Diyaaradahaan dagaal oo loo maleynayo in laga leeyahay dalka Kenya ayaa markii ay duqeynta fulliyeen aadey dhanka gobolka Jubadda Hoose.

error: Content is protected !!