XOG:- Ciidamada 11 dal oo ka qeyb-galaya dagaalada Al-shabaab looga saari doonno Soomaaliya

Waxaa soo baxaya warar hoose ay heleyso Warbaahinta Bulshoweyn islamarkaana sheegaya in dowlado dheeraad ah ay kusoo biireen dagaalka uu ku dhawaaqay madaxweyne Farmaajo, waxaana qaarkood ay hadda wadaan dagaalada, halka kuwo kalena ay ka qeyb-geli doonaan.

Dowladaha ku cusub dagaladaan waxaa u badan kuwo reer Yurub ah, balse markii ugu horeeysay waxay ciidamadooda kasoo dejin doonaan magaalada Muqdisho.

Dowladaha ka qeyb-galaya dagaalada:-

  • Djibouti
  • Ethiopia
  • Uganda
  • Kenya
  • Burundi
  • USA
  • Turkey
  • Russia
  • UAE
  • Italy
  • Britain

Waxaa laga yaabaa in dagaalkaan ay kusoo biiraan dalal kale, waxaana markaan dowladda Soomaaliya ka go’an in muddo kooban ay dalka uga saarto Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa weli ku sugan deegaano badan oo kamid ah gobolada dalka, hase ahaatee waxaa markaan kusoo wajahan duufaan dagaal.

error: Content is protected !!