XOG:- Madaxweyne Farmaajo oo seddax arrin kala hadli doonno madaxda maamul goboleedyada dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ballaaran la leh madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa kala hadli doonno arrimo aad u xasaasi ah.

Ka sokow ka hadalka amniga iyo xiriirka labada dhinac waxa uu madaxweyne Farmaajo doonayaa inuu yareeyo awoodda maamullada ay ku leeyihiin dalalka dibadda ah.

Warar hoose oo aynu helnay waxay sheegayaan in Farmaaajo uu seddax qodob kaliya muhiimad gaar ah siin doonno, islamarkaana laga yaabo in maamullada ay caqabad ku noqoto, waxyna kala yihiin.

  • Heshiisyada dibadda ah
  • Safarada dibadda madaxda maamul goboleedyada iyadoo aaney soo wargelin dowladda federaalka
  • Arrinta ku aadan qeybsiga guud ee kheyraadka dalka

Waxaa laga yaabaa in arrintaan ay culeys ku noqota madaxda maamul goboleedyada dalka, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland oo madaxdooda badi dibadaha aadaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya inuu muujiyo awoodda dowladda dhexe, sidoo kalena maamul goboleedyada ay yihiin kuwo hoostaga dowladda federaalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!