XOG:- Wariyeyaashii ugu badnaa oo barakac ka ah deegaanada maamulka Somaliland

Wariyeyaal badan oo  ka howlgala deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Somaliland ayaa bilaabay iney ka barakacaan deegaanadaasi, kadib markii ay cirka isku shareertay caburinta lagu hayo wariyeyaasha.

Wararka ka imaanaya magaalooyinka Hargeysa, Burco, Berbera iyo Boorame ayaa sheegaya in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay isaga baxeen wariyeyaal badan.

Waxay wariyeyaashan aadayaan dhulalka kale ee Soomaalida degto sida Jabuuti, Itoobiya iyo Koonfurta Soomaaliya.

Qaarkood ayaa si hoose inoogu sheegay in barakacoodaan uu bilowday kadib markii ay u hanjabeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland.

Waxyaabaha loogu hanjabayo ayaa ah xarig iyo jirdil, waxa ugu weyn ee lagu haystana waa ka hadalka heshiiskii Somaliland iyo Imaaraadka ee Berbera.

Maamulka Somaliland ayaa sanadkaan gudahiisa xabsiga dhigay in ka badan 10 suxufi oo madax banaan, qaar waa lasii daayay, qaar waa la xukumay, kuwana waa xukun sugayaal.

error: Content is protected !!