DEG DEG:- Madaafiic daqiiqado kahor kusoo dhacay agagaarka garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

Dhowr madaafiic oo noociisu hoobiyeyaal yahay ayaa waxyar kahor kusoo dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan guryo ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Illaa seddax hoobiye ayaa la sheegayaa inay ku dhaceen guryo ku yaalla xaafada Ceelqalow ee degmada Wadajir, iyadoona madaafiicdaasi ay ka dhasheen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa madaafiicdaasi ku geeriyooday 1 cunug, iyadoona 4 qof kale ay ku dhaawacantay.

Dadka ku dhaawacmay madaafiicdaasi ayaa loola cararay xarumaha caafimaad ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Madaafiicdaan oo u muuqday kuwa la rabay in lagu duqeeyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, ayaan laga gaarin dantii laga lahaa balse dad shacab ah lagu dhameeyay.

Dhinaca kale, ciidamada NISA ayaa eryaday raggii weerarka soo qaaday, iyadoona illaa iyo haatan aan la ogeyn in raggaasi gacanta lagu soo dhigay iyo inkale.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!