DEG DEG:- Qarax daqiiqado kahor ka dhacay deegaanka KM-13 ee duuleedka Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya duuleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka KM-13 ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi ka dhacay qarax aad u xoogan.

Qaraxaasi oo ahaa miino la dhigay agagaarka xeradda barakacayaasha ah oo ku taalla deegaanka KM-13 ee duuleedka Muqdisho ayaa geystay dhimashada labo caruur, oo mid ka mid ah uu ahaa dadkii xerada halkaasi ku taalla kusoo barakacay.

Illaa 4 qof kale oo u badan dumar ayaa sidoo kale la sheegayaa inay ku dhaawacantay qaraxaasi, waxaana dadkaasi dhaawacooda loola cararay xarumaha caafimaad ee halkaasi ku yaalla.

Waxaa qaraxaasi la sheegayaa inuu ahaa mid lala damacsanaa in lagu bar-tilmaameedsado dad samafaleyaal ah oo u gargaarayay dadka barakacayaasha oo ku sugnaa xeradaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka ee NISA oo goobta qaraxa ka dhacay soo gaaray ayaa halkaas ka sameeyay howlgalo baaritaano ah, iyadoona illaa iyo haatan aysan jirin cid baaritaankaasi lagu soo qab-qabtay.

error: Content is protected !!