Guddoomiye Taabit oo habeenkii xalay xilka si rasmi ah ula wareegay

Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir ahan duqa magaalada Muqdisho, ayaa habeenkii xalay ahaa xilkaasi si rasmi ah ugala wareegay gudoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa, xildhibaanno, mas’uuliyiin kale iyo marti sharaf ayaa ka qeyb-galay munaasabadda xil wareejinta.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaaidr Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ku dheeraaday ka hadalka waxyaabihii uu qabtay mudadii uu xilkaasi haayey, wuxuuna sheegay in isbedal ballaaran uu sameeyey, islamarkaana uu dib u dhis ka sameeyey waddooyin muhiim ah.

Wuxuu guddoomiyaha cusub ka dalbaday in aanu kala eryin shaqaalaha gobolka Banaadir ee uu isku dayo inuu la shaqeeyo kuwa hadda jooga.

Guddoomiyaha cusub Mudane Taabit oo isna hadlay wuxuu sheegay in aanu shaqaale kala eryi doonin, dad kalena aanu keensan doonin, kaliyana shaqada gobolka ay ku filan yihiin inta hadda joogta.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday ka hadalka waxqabadka gudoomiyahii hore oo uu sheegay inuu yahay shaqsi wax badan qabtay.

Wuxuu ugu baaqay inuu gacansiiyo Mudane Taabit, isaga oo guddoomiyaha cusubna ku bogaadiyey inuu la yimaado shaqo wanaag.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir waxaa laga doonayaa inuu qabto shaqooyin badan oo qabyo ugu tagey guddoomiyahii ka horreeyay.

error: Content is protected !!