Meydka labo ruux oo lagu arkay xeebaha gobolka Sanaag iyo shacabka gobolkaasi oo wal-walsan

Wararka naga soo garaya gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in meydka labo ruux lagu arkay xeebta deegaanka Durduri ee gobolkaasi, kuwaasi oo jirkooda rasaas ay ka muuqato.

Dooni habeenkii xalay ahaa xilli saqdhexe ah timid xeebta deegaanka Durduri ayaa la sheegayaa in labadaan ruux ay meesha kusoo tuurtay, iyadoo aan la weji aqoonsan meydadka, lamana oga cidda dishay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in raggaan laga keenay dhul fog, halka warar kalena ay sheegayaan in markii horeba gobolkaasi laga qafaashay, balse weli war sax ah lama haayo.

Shacabka ku nool gobolka Sanaag waxaa soo wajahay cabsi aad u daran, waxaana ay ka baqayaan in arrintaani ay dhibaato kale u keento, ama gobolkooda uu ka bilowday ugaarsi shacab.

error: Content is protected !!