NISA oo soo bandhigtay meydadka raggii hoobiyeyaasha ka tuurayey Muqdisho iyo hubkii ay wateen (SAWIRO)

Hay’adda nabad-sugidda qaranka ee NISA ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay meydadka labo nin iyo sidoo kale hub ay wateen, kuwaas oo maanta iyagoo hoobiyeyaal tuurayey lagu weeraray halkii ay ku sugnaayeen oo aheyd degmada Wadajir.

Mid kamid ah raggaan waa uu dhintey, hase ahaatee midkii kale ayaa isku dayey inuu is difaaco, wuxuuna galay guri ay dad shacab ah deganaayeen, balse ciidamada ayaa halkaasi uga daba-tagay, kadib dagaal muddo kooban socday ayaa ugu dambeyntii ninkaasi la toogtay.

Sidoo kale, waxaa qarxay gaari nooca raaxadda ah oo ay raggan lahaayeen, kadib markii gaarigaasi ay gacanta ku dhigeen ciidanka NISA, balse lama oga wax khasaare ah oo askarta kasoo gaaray.

Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo halkaasi tagay ayaa ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed sida ay ula shaqeeyeen ciidamada amniga.

Wuxuu wasiirka sheegay inay haatan bilaabatay xilligii shacabka ay garabka siin lahaayeen dowladdooda, islamarkaana ay dhammaatay waqtigii la marin habaabin lahaa shacabka Muqdisho.

error: Content is protected !!