Qoys baahi darteed ugu dhammaaday gobolka Galgaduud

Qoys ka kooban 5 qof ayaa gaajo iyo  harraaad ugu dhintay tuulada Tifaaafley oo qiyaastii 150 KM u jirta deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Nabadoon Cali Axmed Xasan oo kamid ah waxgaradka ku dhaqan Tuuladan ayaa u sheegay warbaahinta in qoyskaan uu ka koobnaa Aabe, Hooyo iyo Saddex Carruur ah oo ay dhaleen.

Wuxuu sheegay in dhammaan dadkaan ay dhinteen kadib markii ay waayeen biyo ay cabaan, sidoo kalena ay waayeen raashiin.

Waxa uu tilmaamay in dadkaan dhimashadooda ay kala horreysay oo kaliya saacado, islamarkaana laga yaabo dad kale oo deegaannadaasi ku nool in sidan oo kale ay abaar u dhintaan.

Wuxuu sheegay Nabadoonka in waxa hadda ugu daran dadka ay tahay biyihii ay cabi lahaayeen oo aysan dadku heli karin, islamarkaana halkii fuusto qiimo ahaan la iibinayo lacag ku dhow 200 kun oo shilin soomaali ah.

Abaarta dalka ka jirta ayaa saameysay dad iyo duunyo, gobollada qaar dhammaan xoolihii waa ay dhammaadeen halka hadda dadkii ay dhimanayaan.

error: Content is protected !!