Shirka DFS iyo madaxda maamul goboleedyada oo maanta lasoo gaba-gabeynayo

Waxaa maanta oo Axad ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyo shirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada u socday.

Shirkaan ayaa furmay maalintii shalay ahayd, waxaana ka qeyb-galaya madaxda ugu sarreysa dowladda dhexe iyo sidoo kale kuwa maamul goboleedyada dalka ka dhisan.

Ulajeedka shirkaan ayaa ah sidii ay u wada-shaqeyn lahaayeen dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka, waxaana sidoo kale shirkaan looga hadlayaa sidii go’aan mideysan iyo ajende mid ah Soomaaliya ula tagi lahayd shirka ka furmaya London.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay shirkaan furay, waxaana gaba-gabada shirkaan la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed.

Waa shirkii ugu horreeyay ee dowladda Farmaajo iyo maamul goboleedyada dalka yeeshaan, wuxuuna wax badan ka duwan yahay shirarkii horey u dhici jiray.

error: Content is protected !!