Wasiirka amniga oo xariga ka jaray hab-raac cusub oo lagu qaadanaayo baasaboorka (SAWIRO)

Wasiirka amniga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray hab-raaca cusub ee qaadashada baasaboorka Soomaaliya.

Wasiirka oo maanta kormeer guud ku sameeyay xarunta bixinta baasaboorada Soomaaliya ayaa mid mid u kormeeray xafiiskayada hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya; sida xafiiska hubinta muwaadinimada, xafiiska qaadashada baasaboorka, xafiiska daabacaada, xafiiska keydka iyo xafiiska shaqada iyo shaqaalaha.

Hab-raacan cusub ee qaadashada baasaboorka ayaa ah mid lagu kontoroolayo dadka qadanaya baasaboorka inay yihiin dadka xaqa u lahaa, wuxuuna saamaynayaa dhammaan xarumaha laga qaato baasaborka ee Soomaaliya iyo sidoo kale in dib loo soo celiyo sharafta baasaboorka Soomaaliya uu lahaa.

Taliyaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi oo warbaahinta si kooban goobtaasi ula hadlay ayaa warbixin ka siiyay wasiirka shaqada hay’adda, isagoona wasiirka uga waramay sida ay hay’adda u shaqeeyso iyo qorsheyaasha ay hiigsan doonaan.

Dhinaca kale, wasiirka amniga ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in habraaacan cusub uu noqon doonno mid qeyb weyn ka qaata dib usoo celinta karaamadii uu lahaa baasaboorka Soomaaliyeed.

“Marka hore waxaan u mahad-celinayaa agaaasimaha iyo shaqaalaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyaddaha oo dadaal xoog badan ku bixiyay sidii ay suurto gali lahayd barnaajimkaan cusub, wuxuuna barnaamijkaan cusub hubinayaa qofka inuu yahay soomaali sax ah, waxaan rabaa in shuruucdaan loo hoggaansamo haddii ay ahaan lahaayeen mas’uuliyiinta sida xildhibaanada baarlamaanka, wasiirada ama qofka ugu sareeya xukuumadda Soomaaliya” Sidaas waxaa yiri wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

error: Content is protected !!