AMISOM oo raali gelin ka bixisay sharaf daraddii ay ula dhaqmeen wasiir ka tirsan dowladda

Taliska AMISOM ee Soomaaliya ayaa raali gelin buuxo ka bixiyay arrintii dhawaan dhexmartay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs. Maryan Qaasim Axmed iyo Ciidamo ka tirsan AMISOM oo illaalo ka aheyd garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Drs. Maryan Qaasim Axmed iyo haweeney ka tirsan shaqaalaheeda oo xilligaasi iyada la socotay ayaa waxaa ishor-taag ku sameeyay askar ka tirsan ciidamada AMISOM oo illaalo ka haayay albaabka Madina Gate, halkaas oo ah meesha laga galo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wasiirada ayaa waxay xilligaasi garoonka Aadan Cadde shir kula ballansaneyd madaxda xafiiska Midowga Yurub ee arrimaha Soomaaliya, iyadoona arrinkaasi ay ku tilmaamtay mid aan la aqbali karin.

Qoraal uu taliska AMISOM ku baahiyay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay inay raali gelin buuxo ka bixinayaan arrinkaasi, iyagoona qiray in arrinkaasi ay u dhacday si qalad oo lama filaan ah.

“Waxay AMISOM ka xuntahay dhacdadii ay wasiir Drs Maryan Qaasim ku andacootay inay ahayd mid xirfad la’aan ay ula dhaqmeen askarteena ku sugan albaabka Madina Gate.” Ayaa lagu yiri qoraalka AMISOM.

Sidoo kale, qoraalka AMISOM ayaa lagu sheegay in askartooda oo xilligaasi ku sugnaa albaabka Madina Gate, aysan fileynin inay wasiiro halkaasi yimaadaan.

“Ciidamadeena ku sugan albaabka ma fileynin inay wasiiro yimaadaan, waxaana la dhaqan geliyay tallaabooyin dhinaca ammaanka oo dheeraad ah, taasoo ay ugu wacan tahay xaaladda kacsan ee ammaanka..” ayaa lagu yiri qoraalka AMISOM.

error: Content is protected !!