Ciidamada Kenya oo qarax khasaare geystay lagula eegtay gobolka Jubbada Hoose

Qarax miino oo nooca dhulka lagu aaso ah ayaa deegaanka Hoosingow ee gobolka Jubbada Hoose waxaa lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Miinadaasi ayaa la sheegayaa inay haleeshay mid kamid ah kolonyo gaadiid ah oo ay ciidankaasi wateen, waxaana ay kasoo baxeen dhanka dalka Kenya, iyagoona xilligaasi kusoo jeeday deegaanka Hoosingow.

Waxaa gebi-ahaan burburay gaarigii qaraxa lala eegtay, waxaana ku dhintay seddax askari oo ka tirsan ciidamada dalka Kenya, iyadoo wararka ay sheegayaan in dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Sidoo kale, wararka waxay sheegayaan in ciidamada Kenya ay rasaas fureen, walow aaney jirin cid halkaasi ku dhow oo waxyeello kasoo gaartay rasaastaasi.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan lala eegtay ciidamada Kenya, waxayna ku sheegeen iney ku dileen 10 kamid ah ciidamadii la socotay gaariga la qarxiyey.

error: Content is protected !!