C/weli Gaas oo Turkiga ka dalbaday in maamulkiisa loo tababaro ciidamo Kumaandoos

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka dalbaday dowladda Turkiga in  maamulkiisa loo tababaro ciidamo Kumaandoos ah.

C/weli Gaas oo la kulmay safiirka Turkiga u jooga magaalada Muqdisho ayaa sheegay in waxyaabo badan ay kala hadleen dowladdaasi, isagoo dhanka kale dhaliilay gargaarka Turkiga iyo mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya.

Wuxuu C/weli Gaas sheegay in mashaariicdooda aaney soo dhaafin magaalada Muqdisho, isagoo hoosta ka xarriiqay iney kala hadleen Turkiga in wax badan ay arrinkaasi ka bedalaan.

“Turkiga wuxuu tababaraa ciidamo badan oo Soomaali ah, wuxuu tababari doonnaa kuwo Kumaandoos ah, waxaan ka codsannay iney innaguna ciidankaasi inoogu daraan tiro badan” Sidaas waxaa yiri C/weli Gaas.

Dowladda Turkiga ayaa wax badan u qabatay shacabka Soomaaliyeed, waxayna shacabka la garab istaageen hiil iyo hoo intaba.

error: Content is protected !!