DEG DEG:- Rag ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in ciidamada ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen 2 kamid ah dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

Raggaan la qabtay ayaa ku sugnaa guri ku yaalla magaalada Baydhabo, waxaana la sheegay inay soo farmuuqeen shacab ku sugnaa halka ay ku jireen raggaan oo weli aan la ogeyn ulajeedka halkaasi u joogeen.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in labadaan nin uu ku jiro sarkaal sare balse magaciisa iyo wax uu qabto weli lama aan sheegin, waxaana loo waday dhanka saldhigga Baydhabo.

Dhawaan ayay aheyd markii maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uga digay shacabka ku dhaqan Baydhabo qaraxyo ka dhaca magaaladaasi, kadib xog ay heleen taliska ciidanka booliiska gobolka Bay.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!