Injineer C/raxmaan Yariisow oo shalay daah-furay barnaamij aad u muhiim ah (SAWIRO)

Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa maalintii shalay daah-furay barnaamijka xiriirka iyo wadashaqeynta ee hay’adaha dowladda qeybahooda warfaafinta iyo kuwa caalamka.

Injineer Yariisow oo ka hadlay munaasabada daahfurka ayaa sheegay in barnaamijka xiriirka iyo wadashaqeynta uljeedadiisu tahay sidii lagu xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya hay’adaha dowladda islamarkaana loo sameeyo nidaam iyo hab raac loo maro oo wasaarada warfaafinta hormuud ka noqoto, si loo mideeyo fariimaha dowladda ay u direeyso shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadaasi ayaa waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socday xafiisyada ra’iisul wasaaraha, madaxtooyada, wasaaradaha dowladda iyo qeybta warfaafinta ee AMISOM, iyadoo looga hadlay sidii loo mideyn lahaa horumarinta warbaahinta dalka.

Sidoo kale, munaasabadaasi ayaa waxaa lagu bilaabay xoojinta iyo wadashaqeynta ee dhanka warfaafinta, iyadoo la isla gartay in dhammaan saraakiisha warfaafinta ee hay’adaha dowladda ay wada hoos yimaadaan wasaarada warfaafinta oo u qaabilsan dowladda siyaasada iyo istraatejiyada warbaahinta dalka.

Dhinaca kale, munaasabadaasi ayaa lagu soo hadal-qaaday dhacdooyinka usbuucii tagay, iyadoo laga bartay waxii cashar ah ee loo baahan yahay in lasii horumariyo iyo falanqeyn lagu sameeyey dhacdooyinka isbuuca soo socda iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo wadashaqeynta.

Ugu dambeyntii, Injineer Yariisow ayaa sheegay inay muhiim tahay in la mideeyo fariimaha iyo wadashaqeynta, si shacabka loogu adeego, maadaama  ay dowladda haatan haysato kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa muhiim ah in la mideeyo fariimaha iyo wadashaqeynta si shacabka loogu adeego, bacdamaa ay dowladaan heysato kalsoonida shacabka, wasaarada warfaafinta waxaa ka go’an in bulshada iyo dowlada la isku xiro, iyadoo dhowaan la bilaabi doono wacyi-gelin bulsho oo baahsan oo diirada saara arrimaha muhiimka u ah shacabka sida gurmadka abaaraha, amniga, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo dimoqraadiyeynta dalka.” Sidaas waxaa yiri wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow

error: Content is protected !!