Madaxweynaha CAF oo lagu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta ee Qaaradda Afrika (CAF) Axmed Axmed ayaa goordhaw soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, iyadoona si heer sare ah halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumdda federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta C/qani Saciid Carab iyo mas’uuliyiin dhanka ciyaaraha ah ayaa kusoo dhaweeyay Mr Axmed garoonka Aadan Cadde.

Mr Axmed Axmed ayaa booqasho lagu geeyay garoonka kubadda cagta ee Jaamacadaha, halkaasi oo dhawaan si heer sare ah loo qalabeeyey, wuxuuna sidoo kale booqan doonnaa garoomo kale oo ku yaalla Muqdisho, sida garoonka Koonis.

Madaxweynaha CAF Axmed Axmed oo 57 sano jir ah ayaa dhawaan waxaa loo doortay xilkaan, isaga oo laga sugaayo inuu wax badan ka bedalo kubadda cagta ee Qaaradda Afrika.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!