Qalab casri ah laguna sugaayo amniga oo la keenay dekadda magaalada Muqdisho (SAWIRO)

Waxaa dekadda magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya laga hirgeliyey qalab aad u casri ah, islamarkaana loogu talogalay in lagu sugo amniga guud ee dekaddaasi, gaar ahaan badeecooyinka la dhoofiyo iyo kuwa dekadda laga soo dejiyo.

Qalabkaan ayaa lagu magacaabaa Port Scanning Service, waxaana qalab la dhex-marinaayo gaadiidka iyo sidoo kale wax walbo oo dekadda yimaada ama ka dhoofaya.

Mashruucan oo maanta si rasmi ah looga daah furay Muqdisho ayaa xarigga waxaa ka jaray wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow, isaga oo ku dheeraaday ka hadalka faa’idada qalabkaan uu leeyahay.

Wuxuu wasiirka sheegay in laga neefsan doonno cabsida laga qabo in qarsoodi dekadda hub ama wax la mid ah looga soo dejiyo, sidoo kalena laga dhoofiyo.

Qalabkaan ayaa leh calaamado muujinaya haddii walxaha qarxa ama hub uu saaran yahay gaariga halkaasi maraayo, waana markii ugu horreysay oo qalab sidaan oo kale ah laga hirgeliyo dekadda Muqdisho.

error: Content is protected !!