Xiisad u dhaxeeysa Puntland iyo Galmudug oo laga soo sheegayo magaalada Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxeeysa maamulada Puntland iyo Galmudug.

Wararku waxay sheegayaan in maamulka Galmudug uu hubka culus ku jeediyey dhanka garoonka magaalada Gaalkacyo, waxaana taasi ay timid kadib markii ay Puntland isku dayday inay ballaariso garoonkaasi.

Dad ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa warbaahinta Bulshoweyn u sheegay in ciidamada Puntland ay burburiyeen xaafado ku yaalla nawaaxiga garoonka Gaalkacyo ee dhanka Galmudug.

Waxaa arrintaasi aad uga xanaaqay maamulka Galmudug oo Gaalkacyo ku diyaariyay ciidamo badan, xilli walbo waxaa la filan karaa dagaal culus oo ka dhaca halkaasi.

Madaxda sare ee maamulada Puntland iyo Galmudug weli wax war ah kama aanay soo saarin xiisadda ka jirta magaalada Gaalkacyo, shacabkuna waxay ka baqayaan  in la dagaalamo.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allah.

error: Content is protected !!