XOG:- Ciidamo gaar ah oo lagu wareejin doonno ammaanka magaalada Muqdisho

Xog ay si hoose u heshay Warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegaysa in dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ku wareejin doonto ciidamo gaar ah oo amniga suga.

Waxaa maalmahaan dambe jiray warar kala duwan oo soo baxaaya qaabka loo sugaayo amniga iyo sidoo kale ciidamada loo dhiibayo.

Warar hoose ayaa jiray oo sheegayey in NISA lagu wareejinayo magaalada Muqdisho, hase ahaatee hadda arrintaasi waxbadan baa iska bedalay.

Kulan ay Villa Soomaaliya ku yeesheen saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo sidoo kale wasiirka amniga waxaa la isku raacay in ciidamo isku dhaf ah loo dhiibo ammaanka magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan waxaa laga kala soo xulli doonnaa Militeriga, NISA iyo Booliiska, waxaa loo gelinayaa darees gaar ah, sidoo kalena magac cusub ayaa loo bixin doonnaa.

Ciidamadaan ayaa waxay kaliya ka howlgeli doonaan magaalada Muqdisho, si ay amniga u xaqiijiyaan, waxbadanna uga bedalaan.

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa waxay maalmahaan dambe wadday qorsheyaal ay ku xaqiijinayso ammaanka guud ee magaalada Muqdisho.

error: Content is protected !!