DF Soomaaliya oo guddi u magacawday wada-hadalada Ahlu-sunna iyo Galmudug

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa guddi u magacawday wada-hadalada maanta magaalada Muqdisho uga furmaya maamulka Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay guddigaan oo ay ku jiraan xubno wasiiro ah, waxaana loogu talo-galay inay fududeeyaan dhammaan howlaha ku saabsan shirka.

Waxaa wasiiradana kamid ah wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa.

Sidoo kale, waxaa guddiga ku jira xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan xubno kasoo jeeda gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in dhinacyada hadlaya ay natiijo rasmi ah ka gaaraan wada-hadalkooda.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!