Faah faahin:- Tiro hoobiyeyaal ah oo galabta kusoo dhacay xaafado ka tirsan degmada H/wadaag

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa galabta kusoo dhacay xaafado ka tirsan degmada H/wadaag ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo la sheegayo inay geysteen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Hoobiyeyaashaasi oo gaarayay illaa seddax ayaa la rumeysan yahay in laga soo dhex tuuray degmada H/wadaag, wuxuuna mid ka mid ah ku dhacay Iskuulka Xasan Qariidi oo degmadaasi ku yaalla.

Gabar yar oo Ardayad ahayd ayaa la xaqiijiyay inay hoobiyahaasi ku geeriyootay, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Labo hoobiye kale ayaa la sheegayaa inay ku dhaceen qeybo ka mid ah degmada H/wadaag, waxaana la xaqiijiyay inuu geystay qasaare, balse aan si rasmi ah loo xaqiijin karin inta uu qasaarahaasi gaarsiisan yahay.

Dadka ku dhaawacmay hoobiyeyaashaasi ayaa loola cararay xarumaha caafimaad ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, sarkaal ka tirsan ciidanka nabad-sugidda qaranka ee NISA oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u sheegay in ragga weerarkaasi ka dambeeyay ay ku baxeen ciidamo ka tirsan nabad-sugidda islamarkaana dhawaan gacanta lagu soo dhigi doonno.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!