Mareykanka oo sheegay in tababar iyo qalabeyn uu isugu dari doonno ciidamada Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in tababar ay siin doonto militeriga Soomaaliya, sidoo kalena ay qalabeyn doonaan ciidanka si ay ula dagaalamaan Al-shabaab.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dowladda Mareykanka ee ku sugan qaaradda Afrika ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan tababaro ay siiyaan ciidamada Soomaalida, gaar ahaan ku dhawaad 1000 askari, lana qalabeyn doonno.

“Taliska ciidanka Afrika ee Mareykanka waxaa ka go’an inay soo saaraan askar Soomaaliyeed oo la dagaalama Al-shabaab, ciidanka Soomaaliya waxaan si gaar ah uga taageeri doonnaa tababaradda iyo qalabeynta” Ayuu yiri sarkaalkaan.

Dowladda Mareykanka ayaa horey u sheegtay inay diyaar u tahay qalabeynta iyo tababaridda ciidamada Soomaaliya, markaanna la gaaray markii ay Soomaaliya dib isugu soo taagi laheyd cagaheeda.

Tani ayaa imaaneysa xilli madaxweyne Farmaajo uu sheegay in la tayeen doonno ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, lana wareegi doonaan howlgalada AMISOM.

error: Content is protected !!