Puntland oo si kulul u beenisay in xiisad dagaal kala dhaxeeyso maamulka Galmudug

Maamulka Puntland ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay warar maalmahaan dambe soo baxaayay oo ahaa in xiisad dagaal ay ka dhex taagan tahay iyaga iyo maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland Xasan Maxamed Khaliif oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid lagu doonayo in lagu kiciyo shacabka Gaalkacyo, balse aaney waxbo ka jirin.

Wuxuu guddoomiyaha sheegay in labada dhinac ay yihiin heshiis, islamarkaana ay si wadajir ah uga hortagayaan cid walbo oo dhibaato wadda.

“Wax dhibaato ah ma jirto, xiisad ka taagan Gaalkacyo maleh, dad iska hadlay waa ay jiraan, laakiinse labada dhinac waxay diyaar u yihiin in nabadda wadajir uga shaqeeyaan” Sidaas waxaa yiri guddoomiyaha.

Dhinaca kale guddoomiye Khaliif ayaa sheegay in dhismaha garoonka Gaalkacyo aaney cidna dhibaato ku hayn, islamarkaana cid walbo oo Soomaaaliyeed uu u dhaxeeyo garoonkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo baxay maamulka Puntland ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu dambeysay ay soo baxayeen in xiisad dagaal ay ka dhaxeeyso maamulada Galmudug iyo Puntland.

error: Content is protected !!