Ra’iisul wasaare Kheyre oo si kedis ku booqday wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka (SAWIRO)

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa saakay si kedis ah ku booqday xarunta wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Waqtiga uu ra’iisul wasaare Kheyre booqanayey xarunta wasaaradda ayaa aheyd abaarihii 8:40am, isagoo doonayey inuu ogaado in la fuliyay ammarkiisii ku aadanaa soo gelista xilliga shaqada.

Waxa uu ra’iisul wasaaraha la kulmay dhammaan shaqaalaha oo diyaar ahaa, islamarkaana howlahooda shaqo u watey si caadi ah.

Agaasimaha wasaaradda haweenka Cumar Cabdi Qani ayaa u sheegay warbaahinta inay soo dhaweeyeen ra’iisul wasaaraha, uuna arkay sida ay howsha shaqo u socotay.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Kheyre ayaa bogaadiyay shaqaalaha wasaaradda haweenka, wuxuuna ku dhiiro-geliyey inay la yimaadaan shaqo wanaag, iyaguna ay si joogta ah u heli doonaan xuquuqdooda.

Tani waxay ka tarjumeysaa isbedalka shaqo ee ka socda dalka, wuxuuna ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ka dhabeeynayaa ballanqaadkiisii shaqo.

error: Content is protected !!