Wada-hadalka Ahlu-sunna Iyo Galmudug oo maanta si rasmi ah uga furmaya magaalada Muqdisho

Waxaa maanta oo Talaado ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya uu si rasmi ah uga furmo wada-hadalka u dhaxeeya maamulka Galmudug iyo sidoo kale Ahlu-sunna Waljameeca.

Wada-hadalkaan waxaa garwadeen ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana ay dowladda dooneysaa in la helo Galmudug oo mid ah.

Xubnaha labada dhinac ayaa waxaa kala hoggaaminaya madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey iyo sidoo kale madaxweynaha Ahlu-sunna Sheekh Shaakir.

Sidoo kale, waxaa furitaanka wada-hadalada labada dhinac goobjoog ka noqon doonno madaxda ugu sareeysa dalka, xubno ka socda maamul goboleedyada iyo beesha caalamka.

Haddii ay heshiiyaan Galmudug iyo Ahlu-sunna waxaa la helayaa maamul Galmudug oo mid ah, sidoo kalena waxaa meesha ka baxaysa khilaafkii ka jiray deegaanada Mudug iyo Galgaduud.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allah

error: Content is protected !!