XOG:- Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Banaadir oo xilka laga qaadayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa lagu wadaa in sida ugu dhaqsiyaha badan uu xilka uga qaado dhammaan guddoomiye ku-xigeennada maamulka gobolka Banaadir.

Ilo lagu kalsoon yahay, kuna sugan xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa warbaahinta Bulshoweyn u xaqiijiyey in xilliyada soo aadan xilka laga qaadayo dhammaan mas’uuliyiintan.

Waxaa haatan la diyaarinayaa shaqsiyaadkii lagu bedali lahaa dadkaan, iyadoo la filayo in la keeno rag ay soo wada-shaqeeyeen Farmaajo, waxaana warar hordhac ah ay sheegayaan in haweeney ay ku jirto xubnaha lasoo wado.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isbedal xooggan ku wada dowladdiisa, wuxuuna xilalkii ka qaaday dhammaan mas’uuliyiintii hay’adaha dowladda, kaliya qaar yar ayaa haray.

Sidoo kale, wuxuu xilka ka qaadayaa Farmaajo agaasimayaasha wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya, iyadoo taasi looga golleeyahay isbedal muuqda oo dalkaan ka hirgala.

error: Content is protected !!