Baarlamaanka Soomaaliya oo war cusub kasoo saaray heshiiskii Imaaraadka iyo Somaliland

Kulan ay maanta xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa waxay uga hadleen arrimo uu ka mid yahay heshiiskii ay dhawaan wada-galeen shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta iyo maamulka Somaliland.

Heshiiskaasi oo ahaa in saldhig militeri ay Imaaraadka Carabta ka furato dekedda magaalada Berbera ayaa waxay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ku dalbadeen in xukuumadda federaalka Soomaaliya ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku keento jawaab cad oo heshiiskaasi ku saabsan.

Waxaa haatan xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre laga doonayaa inay xildhibaannada horkeenaan arrinta ku aadan heshiiska saldhiga militeri, waxa uu ku saabsansan yahay iyo danaha gaarka ah iyo hallista ku jirta.

Maalin gaar ah looma qaban xukuumadda Kheyre iney ku keento heshiiskan, hase ahaatee waxaa laga  doonayaa todobaadka soo socda gudaheed.

Heshiiska Imaaraadka iyo Somaliland oo ku saabsan arrinta saldhiga militeri ee magaalada Berbera ayaa dhibaato weyn ku noqon doonna hadii sida uu yahay loo qaato guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

error: Content is protected !!