DEG DEG:- Qarax xooggan oo goordhow ka dhacay duuleedka magaalada Muqdisho

Qarax aad u xooggan ayaa lagu soo waramayaa inuu goordhow ka dhacay duuleedka magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxaan ayaa ka dhacay deegaanka Sarkuusta, waxaana laga helayaa warar kala duwan, iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in qaraxu ahaa miino dhulka ku aasneyd.

Waxaa qaraxaan lala eegtay kolonyo ay la socdeen xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo sidoo kale guddiga gurmada abaaraha, balse lama soo sheegin wax khasaare ah.

Dhawaqa miinadaan qaraxday ayaa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho iyo sidoo kale deegaannada ku dhaw halka qaraxa uu ka dhacay.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!