DEG DEG:- Shacab careeysan oo dibadbax ka dhigaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe

Boqolaal ruux oo aad u careeysan ayaa dibadbax waxay haatan ka dhigayaan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, kadib markii ay dadkaasi ka caroodeen in la xiro Isbitaalka Jowhar.

Shacabkaan oo iska soo uruursaday xaafadaha kala duwan ee magaalada Jowhar ayaa lagu soo waramayaa inay meelaha qaar dhagxaan ku tuurayaan, iyagoona sidoo kale dalbanaya in lasii daayo agaasimaha Isbitaalkaasi.

Maamulka Jowhar ayaa ciidamo badan oo ammaanka suga bannaanka soo dhigay, waxaana laga baqayaa in shacabkaan ay weeraraan saldhigga uu aggaasimaha isbitaalka Jowhar ku xiran yahay.

Jawi ahaan, magaalada Jowhar aad bay maanta u kacsan tahay, waxaana la arkayaa dadka oo raxan raxan u socda, islamarkaana ka hadlaya xiritaanka Isbitaalka Jowhar iyo xariga aggaasimaha isbitaalkaas.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!