Mareykanka oo dalkiisa kasoo tarxiilaya kumanaan qof oo Soomaali ah

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in dad Soomaaliyeed oo gaaraya 5 kun oo ruux ay kasoo tarxiili doonaan dalkooda, lana keeni doono Soomaaliya.

Afhayeenka ICE ee waaxda fullinta arrimaha socdaalka iyo kastamka, Brendan Raedy ayaa sheegay in la siiyay amarka ay dalkooda uga soo saari doonaan 4,801 qof oo Soomaali ah.

Wuxuu sheegay in sanadkaan 2017 ay Soomaaliya kusoo celiyeen dad gaaraya 237 qof, dhawaanna dad kale lasoo celin doonno.

Dadkaan ayaa la sheegay in dambiyo kala duwan ay ka galeen dalkaasi Mareykanka, islamarkaana cid walbo oo amniga dalkaasi qatar ku ah loo tarxiili doonno dalkooda.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii madaxweynaha Mareykanka loo doortay Donald Trump waxaa isbedal aan caadi ahayn laga dareemayaa guud ahaan dalkaasi, waxaana dalkaas si iskood ah uga cararay kumanaan qof oo qaxooti ah.

error: Content is protected !!