Ra’iisul wasaare Kheyre oo maanta booqasho kedis ah ku tagay wasaaradda maaliyadda (SAWIRO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta waxa uu booqasho kedis ah ku tagay xarunta wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya.

Xilliga uu ra’iisul wasaare Kheyre halkaasi tagayey waxay aheyd abaare 09:00 AM, oo ahayd 30 daqiiqo kadib xilliga shaqooyinka lasoo galo dhammaan wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya.

Waxa uu ra’iisul wasaaraha kormeeray dhammaan xafiisyadda wasaaradaasi, wuxuuna la sheekeystay shaqaalaha wasaaradda maaliyadda.

Sidoo kale, wuxuu dul fariistay dhammaan Computerada lagu shaqeeyo, si uu u eego in xogta wasaaradda tahay mid bannaanka iska taal ama la keydiyay.

Shaqaalaha ayuu ku ammaanay sida wanaagsan ee ay howshoodu u gudanayaan, isagoo ku booriyey in dedaalka ay sii xoojiyaan.

error: Content is protected !!