Ra’iisul wasaare Kheyre oo maanta booqasho ku tagay xeebta Liido ee Muqdisho (SAWIRO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta booqasho ku tagay xeebta Liido oo ku taallo degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho.

Waxaa booqashada ra’iisul wasaaraha ku wehliyay wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed.

Mas’uuliyiintaasi waxay xeebta Liido kula kulmeen dhalinyaradii xilligaasi u damaashaadka tagtay halkaasi, iyagoona kadib mid mid u gacan qaaday.

Sidoo kale, booqashada ra’iisul wasaare Kheyre ayaa noqonaysa tii ugu horeeysay uu ku taggo xeebto Liido ee degmada C/casiis, tan iyo markii xilka loo magacaabay.

Si kastaba ha ahaatee, maalmihii ugu dambeysay wuxuu ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre waday booqasho kedis ah uu ku sameeynayay xarumaha wasaaradaha dowladda federaalka Soomaaliya, isagoona indha indhayn ku sameeyay xaaladda guud ee goobahaas.

error: Content is protected !!