Sheekh Nuur Baaruud oo ka warbixiyay qarax maanta lagu weeraray isaga iyo mas’uuliyiin kale (DHAGEYSO)

Guddoomiyaha guddiga Qaran ee abaaraha Soomaaliya Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa ka warbixiyay qarax miino oo maanta lagula eegtay isaga iyo rag kale oo la socday deegaanka Sarkuusta ee duuleedka magaalada Muqdisho.

Waxa uu Sheekh Nuur sheegay in isaga, xubno ka tirsan guddiga gurmadka abaaraha, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo wafdi ka socda dowladda Imaaraadka Carabta lala eegtay qaraxaan miino, balse aanu ka dhalan halkaasi wax khasaare nafeed ah.

Sheekh Nuur ayaa tilmaamay in burbur aad u xooggan uu soo gaaray gaarigii ay miinada haleeshay, iyadoo halkaasi laga soo jiiday.

Sidoo kale, waxa uu Sheekha sheegay inay xilligaasi ku wajahnaayeen dad barakacayaal ah, si ay xaaladooda usoo qiimeeyaan, balse ay dib isaga soo laabteen iyaga oo aan wax howl ah qaban.

Illaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan miinada ah, hase ahaatee falalka sidaan oo kale ah waxaa looga bartay Al-shabaab.

error: Content is protected !!