Diyaaradaha khaadka sida oo maanta kasoo degi doonin garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

Waxaa maanta oo Khamiis ah garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degi doonin dhammaan diyaaradihii keeni jiray khaadka ee ka imaanayay dalka Kenya.

Qaar kamid ah ganacstada khaadka ayaa u xaqiijiyey warbaahinta Bulshoweyn in sababta ugu weyn ee arrintaan ay tahay kadib markii lagu kordhiyay lacagta canshuurta ah, taasina ay keentay in khaadka iyaguna aysan Muqdisho kasoo dejin.

Badalkii Muqdisho waxaa diyaaradaha keeni jiray khaadka ay kasoo degi doonaan garoonka diyaaradaha ee degmada Jowhar, kadibna magaalada Muqdisho waxaa lagu keeni doonna gaadiid.

Ganacsatada khaadka ayaa waxay sheegeen in wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ay canshuur dheeraad ah kusoo rogtay, taasina ay keentay in magaalada Muqdisho laga wareejiyo khaadka.

Hadaba dowladda federaalka ayaan la ogeyn tallaabada ay ka qaadi doonto ganacsatada khaadka ka keenaya dalka Kenya ee ka leexiyay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

error: Content is protected !!